Dawladaha Qatar iyo Turkiga ayaa saxiixday heshisi ay ku aasaasayaan nidaam ay lacagahooda ku kala sariftaan oo joogto ah kaasoo lagu taageerayo lacagta liiraha Turkiga oo hoos u dhac weyn ku yimid qiimaheeda.
Arrintan ayaa ka danbeysay qorshe Amiirka Qatar shaaciyey oo lacag dhan 15 Bilyan oo doolar uu ku taageerayo dhaqaalaha Turkiga oo dagaal ganacsi uu kala dhaxeeyo dalka Mareykanka, waxaana dowladda Qatar ay si toos ah ula safatay Turkiga oo xilligan adag ee ka soo wajahday qiimaha lacagtiisa.
Madaxweynaha Turkiga ayaa si weyn ugu mahadceliyay dalka Qatar iyo amiirka dalkaasi Tamin Bin Hamad, isagoo sheegay in qiimaha sii dhacaya ee lacagta dalkiisa aysan ahayn arrimo dhaqaale ee ay tahay weerar lagu soo qaaday Turkiga.