30 qof ayaa lagu dilay, 94 kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray qarax lala beegsaday xaflad aroos oo ka socotay dalka Turkiga magaalada ku taalla ee Gaziantep oo ku dhow xuduudka dalka Suuriya.
Sida ay soo weriyay wakaalada wararka Turkiga Turkiga qarax ayaa ahaa mid uu geystay qof is miidaamiyay oo xaflada aroos dhexda kasoo galay xilli ay xaflada joogeen dadkii ugu faraha badnaa.
Weerarkan ayaa ka dhacay magaalada ku taalla koofur bari dalkaasi ee Gaziantep oo ku dhow xuduudka Suuriya ee dagaaladu ka socdaan.
Ku xigeenka Ra’iisul wsaaraha Turkiga, Mehmet Simsek, wuxuu sheegay inay u muuqato in weerarka uu qaaday qof is qarxiyey, wuxuuna ku tilmaamay weerar fulaynimo ah.
Waxaa la tuhunsanyahay in weerarkaasi ay gaystay kooxda la magac baxday Dawladda Islaamka ee Daacish.
Goobta arooska ayaa isu bedeshay dhiig iyo dhimasho dadkii goobta ku sugnaa noqdeen wax dhintay iyo dhaawac, waxaana la arkayay gaadiidka gurmadka oo halkaasi ka daabulaya dhaawaca fara badan.
DAAWO SAWIRRO