Safiirka Soomaaliya ee dalka India Ebyan Maxamed Saalax (Ladane) ayaa sheegtay inuusan jirin wax xukun ah oo ku dhacay burcad badeed Soomaaliyeed oo ku xiran dalka India.
War ay soo dhigtay barteeda warbaahinta bulshada ayay ku sheegtay in wararka la faafiyay ee ah in 50 Soomaali ah dil lagu xukumay uu yahay wax aan weli dhicin, isla markaana go’aanka maxkamadu dhici dono 30-ka bishan.

Danjire Ebyan waxay intaas ku dartay in marka ay maxkamadda xukunkeeda rido kadib ay xaaladda ka wadahadli doonaan labada dawladdood oo kawada shaqeyn doonaan sidii maxaabiista loola kala wareegi lahaa.
Xiriiro kala duwan oo lala sameeyay safiirada ayay ku sheegtya inay war-saxafadeed ka soo saari doonto arrintan.
Warar ay baahiyeen saxaafadda India oo ku saabsanaa in maxaabiista Soomaalida oo gaaraya 50 ay wajihi karaan xukun dil ah ayaa saxaafadda Soomaalida u qaadatay in xukunka dilka ah lagu xukumay, taasoo ah khalad fahamka ah.
Dhinaca kale madaxtooyada Soomaalida ayaa goor dhoweyd sheegtay in dowladda Soomaaliya ay xiriir kala sameyneyso India arrinta ku saabsan maxaabiista Soomaalida.
Goobjooge.com