Tuesday, June 24, 2025

Danjiraha Soomaaliya ee Q/Midoobay oo Eedeyn u jeediyey Xafiiska UNSOM, soona jeediyay isbedel…

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan ayaa eedeyn u jeediyey xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM iyo qaabka uu u shaqeeyo oo aan la socon karin qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan uu Danjire Abuukar Baalle ka jeediyey fadhigii Golaha Amniga Q/Midoobay ku ansixiyey in muddo sanad ah la cusbooneysiiyo howlgalka UNSOM ee Soomaaliya ayuu ku sheegay in xafiiska UNSOM aanu la socon karin horumarka iyo qorsheyaasha ay wado dowladda Federaalka, una baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo xafiiskaasi oo shaqadiisu noqotay mid aan saameyn lahayn.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Q/Midoobay wuxuu bayaankiisa ku caddeeyay in loo baahan yahay wax ka bedel lagu sameeyo Warbixinnada Soomaaliya ee uu soo saaro Xoghayaha Guud ee Q/midoobay lagana dhigo talo soo jeedin go’aanno kooban halkii ay noqon lahayeen dhacdooyin taxan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON