Tuesday, June 24, 2025

Danjire Afey: “Waxaan ka digayaa in la hor istaago maamul u sameynta Hiiraan/Sh-Dhexe..”

Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya ayaa ka digay in laga hor yimaado qorshaha maamul u sameynta gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo looga dhawaaqay inuu sabtida dib u furmayo shirkii Jowhar ayuu sheegay in horumarka dadka  Hiiraan Iyo Shabeelaha Dhexe ku xiran yahay in ay dhistaan Maamul ay ku mideysan yihiin.

Maxamed Cabdi Afey ayaa digniin ka bixiyay in la is hortaago qorshaha dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh.Dhexe oo IGAD ay hormuud ka tahay, wuxuuna caddeeyay inaan loo dulqaadan doonin tallaabo kasta oo lagu diidan yahay in maamulkaasi la dhiso.

Shalay ayay  IGAD iyo Dowladda Soomaaliya ku dhawaaqeen guddi ka shaqeeya dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, iyadoo Sabtida 3-da Septembar uu shirka Jowhar dib u furmi doono.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON