Wednesday, June 25, 2025

Danjire Maxamed Cabdi Afey: “Ciddii isku dayda inay maja-xaabiso maamulka Jubbaland, waan far fiiqeynaa…” Video

Wakiilka IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ayaa hanjabaad kulul ka jeediyay xafladii doorashda Jubba oo hogaamiye Axmed Madoobe ku soo baxay, wuxuuna si cad u sheegay in tallaabo laga qaadayo ciddii ka hor timaada maamulka Axmed Madoobe.

Afey

Mr. Afey ayaa sheegay in Jubbaland ay ka baxday Kumeelgaar oo hada ay tahay maamul dhameystiran (State of Jubbaland), sidoo kalena qofkii doonaya inuu hogaanka Siyaasada Jubbaland qabto laga doonaayo inuu ogolaansho ka haysto xildhibaanada Jubbaland, sida uu yiri, wuxuuna intaas ku daray in IGAD ay aqoonsan tahay doorashada Axmed Madoobe, isla markaana ay si buuxda u taageerayaan maamulka Jubba.

“Ninkii raba inuu hogaamiyo Jubbaland waa inuu ogolaansho ka helaa Barlamaanka Jubbaland sida Axmed Madoobe, haddii aad ka weyso oo aad isku daydo inaad maja-xaabiso oo aad dhibaateyso, waad far fiiqan tahay anagana waan far fiiqeynaa…” ayuu yiri Danjire Afey oo inta badan aan ku ekaan xadkiisa diblomaasiyadeed ee IGAD, wuxuuse qiray in dowladda Federaalka Soomaaliya ay dalka oo dhan mas’uul ka tahay.

Waxaa xusid mudan in wakiilada kale ee beesha caalamka aanay ka qeyb gelin doorashadii Axmed  Madoobe ee Sabtidii 15-ka ka dhacday Kismaayo taasoo aqlabiyad aan hore loo arag uu ku guuleystay Axmed Madoobe.

[spacer color=”0E08C2″ icon=”fa-film” style=”2″]

Hoos ka daawo khudbada Danjire Afey

[ot-video type=”youtube” url=”https://www.youtube.com/watch?v=hRh_7MG-VBY”]

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON