Monday, January 30, 2023

Danjire Tarsan oo raaligelin ka bixiyay muuqaal uu ugu gefay Beesha Madaxweynaha Puntland

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa raaligelin buuxda ka bixiyay muuqaal laga duubay oo lagu baahiyey baraha bulshada, kaasoo uu si toos ah ugu weerarray madaxda iyo beelaha Puntalnd qaarkood.

Qoraal uusoo saaray Danjire Tarsan ayuu si buuxda u xaqiijiyey inuu isagu kasoo baxay warka la faafiyey, isla markaana uu qaadayo mas’uuliyadda, kana raali gelinayo madaxweynaha Puntland iyo Beesha Cusmaan Maxamuud.

“Aniga oo ah Danjire Maxamuud Axmed Nuur, waxaan si buuxda raalli gelin uga bixinayaa hadalka baraha bulshada la wareejinayo oo ah mid aan anigu iri. Qof kasta oo dhibsan kara ayaan si niyad ah uga raalli gelinayaa gaar ahaan Beesha Cusmaan Maxamuud, Boqor Burhaan iyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni” ayuu qoraalkiisa raaligelinta ah u yiri Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Ad

Muuqaalka la faafiyey ee Danjiraha ayaa ahaa mid si qaroodi ah uu qof uga qaaday, isagoo la jooga rag kale oo ay ka hadlayaan Beesha Madaxweynaha Puntland kasoo jeeda, wuxuuna ku kaftamay inay beeshaasi kasoo jeedo Zanzibar oo ay yihiin Jareer, muuqaalkaas oo si weyn loogu faafiyey baraha bulshada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,970FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,970FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!