Thursday, December 8, 2022

Xildhibaan Qeylo-dhaan kasoo saaray Degaan ay ku hareen in isaga iyo Ciidankiisa…

Xildhibaan Yuusuf Ibraahim Xasan (Y. Kabaalle) oo ka mida madaxda hoggaamineysa ciidamada ka howlgalaya Gobolka SH/Dhexe ayaa sheegay in isaga iyo ciidamadiisa ay Alshabaab ku soo weerarreen degaanka Nuu Dugle, ayna iska caabiyeen.

Wuxuu sheegay in dagaalka saaka kusoo qaaday Alshabaab ay dib u waabiyeen, kana dileen 3 maleeshiyo, isagoo intaas ku daray inay degaanka ku hareen isaga iyo ciidamadiisa, halka cidamadii kale ay dib ugu gurteen xeebta Cadalle.

Xildhibaan Yuusuf Kabaale ayaa ka hadlay in tabashooyin jiraan, taasina ay keentay in ciidamada intiisa badan dib ugu laabtaan Cadalle, haddana ay ku sugan yihiin xaalad aysan sii joogi karin goobta dagaalka.

Ad

Wuxuu baaq u diray madaxda dowladda Federaalka iyo maamulka Hirshabeelle ay tallaabo qaadaan oo aysan dhicin in laga baxo degaan laga qabsaday Alshabaab.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo shalay ay dhacday in ciidamadii dowladda ay ka baxeen degaanka Wabxo, taasoo keenay in maleeshiyadii degaanka ay iyaguna ka baxaan degaankaasi oo dhowaan laga qabsaday Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,995FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,995FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!