Thursday, December 8, 2022

Dagaal Beeleedkii degmada Cadalle oo sii xoogeystay iyo wararkii ugu danbeeyay..

Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya inuu dib u bilowday saaka dagaal beeleed qasaare badan dhaliyey oo laba beelood ku dhex qarxday dagaano hoos taga degmada Cadalle.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in maleeshiyada labada beelood ay isaga hor yimaadeen tuulada Ceelgub, halkaasoo dagaal ka dhacay, laguna dilay dad ku dhow 10 qof, sida laga soo xigtay dadka degaanka.

Dagaalkan oo si degdega uga qarxay degaanada hoos taga degmada Cadalle ayaa qasaare badan geystay, waxaana lagu gubay tuulooyin badan, iyadoo dad ka badan 20 la sheegayo inay ku dhinteen.

Ad

Dadaallo ay wadeen odayaasha beelaha degaanka iyo maamulka Gobolka SH/Dhexe ee Hirshabeelle ayaan weli wax horumar ah laga gaarin, iyadoo weli dagaalladu socdaan, waxaana baaqyo kala duwan soo saaray siyaasiyiin iyo odayaal caan ah.

Dagaalladan ayaa imaanaya xilli ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka Sh/Dhexe ay dagaal kula jiraan Alshabaab, taasoo xaaladda uga sii dartay.

Dagaal

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,995FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,995FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!