Tuesday, June 24, 2025

Darawal Gaari BL ah oo $1 dartiis loogu diley Duleedka Magaalada Muqdisho

Wararka laga helay degaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in halkaasi lagu dilay darawalka gaari BL ah nooca Mini-Bus ee loo yaqaan Homey, kadib markii uu muran so dhex galay askari lacag weydiistay.

Askariga oo ka tirsanaa Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay inuu Darawalka Gaariga ku amray lacag dhan $1 oo u dhiganta (24,000 Shilin Somali ah), taasoo uu darawalku sheegay inuusan heysan, waxayna dhalisay inii askarigii rasaas madaxa uga dhufto.

Dad goobjoogayaal ahaa ayaa warbaahinta u sheegay in Darawalka uu goobta ku geeriyooday, askarigiina uu baxsaday, wuxuuna falkan ahaa mid kale oo naxariis darro ah, ayna ku kaceen askarta ciidamada dowladda ka tirsan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON