Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in darawal mooro Bajaajle ah lagu qabtay magaalada kadib markii uu la baxsaday gabar yar oo 5 sano jir ah.
Falkan ayaa ka dhacay Isgoyska Dabka ee Wadadda Maka Almukarama, xilli uu aabaha gabadha yar oo la socday uu ka degay si uu lacag ugu tuuro Darawalka Bajaajta, balse uu darawalkii la cararay gabadhii yareyd.
Wararka ayaa sheegaya in aabaha dhalay gabadha uu ciidamada Booliska ee ku sugnaa agagaarka Isgoyska dabka uu ku wargeliyay arrinta, isla markaana ciidamadii ay tallaabo qaadeen iyadoo gacanta lagu soo dhigay darawalkii gabadha yar la baxsaday.
Wasaaradda Amniga sheegtay in Darawalka falkaasi geystay laga soo badbaadiyey Gabadha 5 sano jirka ahayd. falkan oo ahaa mid aan hore loogu arag magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadda kiiska gacanta ku haya ciidamada Booliska.