Tuesday, June 24, 2025

Darawalka Guddoomiye ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo la dilay & Faahfaahin qaabka shilku u dhacay

Shil ka dhex dhacay ilaalada mid ka mida guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa keenay inuu dhinto darawalkii Guddoomiyaha.

Darawalka Gudoomiyaha degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho ayaa u geeriyooday rasaas uu riday mid ka mida ilaalada Guddoomiyaha oo la sheegay in xabad ka fakatay ay haleeshay darawalka.

Darawalka dhintay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdi qaadir Carab, waxaana shilkan uu ka dhacay deganka Ex-kontrol ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil Macalin ayaa sheegay in gacanta lagu haayo askarigii ay xabado ka fakatay, islamarkaana ay ku dadaali doonaan sidii loo xalin lahaa dhibka dhacay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON