Wednesday, June 25, 2025

Dastuurka cusub ee Jubba oo la ansixiyay & xukuumadda Somaliya oo wasiir u diratay xafladda

Waxaa goor dhoweyd magaalada Kismaayo lagu ansixiyay Dastuurka cusub ee maamulka cusub yeelan doono kaasoo muddo dhowr maalmood ah ergo 300 gaareysa ay uga doodayeen shirkaasi. Ergada ayaa la sheegay inay si gacan taag ah maanta u ansixiyeen Dastuurkaasi, waxaana shirka ku sugnaa madax kala duwan oo lagu casuumay iyo mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba.

Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa
Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa

Mas’uuliyiinta halkaasi ku sugnaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Ra’iisul wasaarihii hore Cali Maxamed Geeddi, Wasiirkii Hore ee warfaafinta Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, Wasiirkii hore ee wasaaradda Waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame, iyo wakiilka IGAD Maxamed Cabdi Afeey  iyo dadweyne kale.

Dhinaca kale dowladda Federaalka ayaa halkaasi u dirtay wasiirka Dastuurka Md. Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen oo la sheegay inu magaalada gaaray xilli danbe, iyadoo labada dhinac xiriirkoodu go’an yahay ayaa haddana madaxda xukuumadd ay tagaan qaarkood magaalada Kismaayo marka ay raali ka yihiin maamulka Axmed Madoobe.

Dastuurkan oo muran badan ka taagnaa ayaa waxaa xigi doono doorashada madaxweynaha Jubba oo isla bishan xilku ka dhamaanayo.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON