Ergada shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa maanta ansixiyay Dastuurka cusub ee maamulka la baxay Hirshabeelle.
Cod guud ahaan oo dhammaan ergada ay u qaadeen ayaa la shaaciyay goor dhoweyd natiijadii ka soo baxday oo noqotay sida soo socota:
Ergada shirka fadhiday waxay gaareysay: 202
Waxaa Dastuurka u codeeyay: 186 ergo
Waxaa diiday: 6
Waxaa ka aamusay: 10
Waxaa kaloo la sheegay inay ergada shirka ka maqneyd ay gaareysay 18 ergo oo sababo kala duwan ku maqnaaday, sidaasina lagu ansixiyay dastuurka maamulka cusub.
Xoghayaha joogtada aha ee wasaaradda arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in loo gudbi doono wejiga labaad ee soo xulista xildhibaanada Baarlamaanka.
Goobjooge.com