Wednesday, June 25, 2025

DEDDEG: Ahlu Sunna oo dagaal ku qabsatay Degaanka Godinlabe ee u dhow Magaalada Cadaado

Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan Ahlu suna ay la wareegeen degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka oo markii hore dhex maray maleeshiyo degaanka Godinlabe ka tirsan oo isbaaro u taallay halkaasi iyo ciidamada nabadsugidda Galmudug, laakiin waxaa la sheegay inay dagaalka ku biireen maleeshiyada Ahlu suna oo la wareegtay degaankaasi.

ahlusuna-saxDagaalka oo ahaa mid culus ayaa wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan in magaalada Godinlabe ay qeybo ka mida ku sugan yihiin ciidamada Galmdug, halka qeybta kale ay joogaan maleeshiyada degaanka iyo kuwa Ahlu suna.

Xaaladda ayaa kacsan iyadoo labada ciidan ay isku hor fadhiyaan magaalada dhexdeeda, waxaana dadka degaankaasi ay bilaabeen inay ka qaxaan dagaalka.

Magaalada Cadaado ayaa la sheegay in la geeyay dad dhaawac ah oo uu ka mid yahay askari ka tirsan ciidamada Galmudug, waxaana la soo werinayaa in qasaare dhimasho iyo dhaawac ah uu jiro.

Weerarka Ahlu sunna ku soo qaaday degaanka Godinlabe ayaa imaanaya iyadoo diyaargarowga doorashada 2016 ay ka socoto magaalada Cadaado.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON