Wararka laga helayo Dugsiga Sare ee Booliska Muqdisho ayaa sheegaya in 11 xildhibaan loo diiday in lagu dhaariyo xafladii maanta oo goor dhoweyd soo gabagabowday.
Xildhibaanada loo diiday in la dhaariyo ayaa ahaa kuwii ay laaleen Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashada, kuraastaas oo 7 kamida ay xalay ansixiyeen in la dhaariyo Madasha Qaran.
Guddoomiyaha Doorashooyinka Heer Federaal Cumar Maxamed Cabdulle ayaa xafladda dhaarta ka sheegay in 11-ka xildhibaan aanay ku jirin xildhibaanada la dhaarinayo maanta.
xildhibaanadaas oo intooda badan xaadir ku ahaa xarunta doorashad ayaan magacyadooda la yeerin, kadibna markii ay tageen goobta waxaa loo sheegay inaysan liiska ku jirin.
Goobjooge.com