Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa goor dhoweyd ka degay magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose kadib markii lagu qanciyay inuu shirkaasi ka qeyb galo kadib wadahadal dhex maray isaga iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.
Jawaari waxaa garoonka Kismaayo ku soo dhoweeyay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid madaxda maamulada Jubba iyo Puntland, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay tegista magaalada Kismaayo oo mar hore ay ugu danbeysay wuxuun caddeeyay in isaga iyo baarlamaanka ay socdaal u gaara ku tegi doonaan magaalada Kismaayo, wuxuuna u mahad celiyay maamulka Jubba iyo sida ay uga shaqeeyeen ammaanka magaalada.
Goobjooge.com