Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay dagaal culus ku qaaday xero ay ciidamada Kenya ku leeyihiin Gobolka Gedo, gaar ahaan degaanka Ceelcade oo ciidamada Kenya ay ku leeyihiin xero weyn.
Dagaalka oo ahaa mid culus oo maleeshiyada Alshabaab aroortii hore ku galeen xeradaasi ayaa laga soo weriyay qasaare baaxad leh oo halkaasi ka dhacay. Boqolaal maleeshiyo oo Alshabaab ah ayaa weerar culus ku ekeeyay xerada ciidamada Kenya, waxayna dadka degaanka sheegayaan in Alshabaab ay qabsadeen xeradaasi kana taageen calankooda.
Qasaaraha ayaa lagu soo waramay inuu aad u fara badan yahay oo ka badan yahay weerarkii Alshabaab ku qabsatay Degaanka Janaale. Wararka hordhaca ah ee laga helayo weerarkaasi oo socday ilaa saaka oo dhan ayaa ku waramaya in qasaaraha gaaray ciidamada Kenya uu ka badnaan karo qasaarihii ciidamada Burundi ee weerarkii Leego, in ka badan 50 askari ayaa lagu waramayaa inay dhimasho iyo dhaawac yihiin, lagana cabsi qabo in qasaaruhu sii bato.
Afhayeenka Alshabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay inay weerarka Ceelcade ku dileen 63 askari oo Kenyaati iyo Soomaali isugu jira, arrintaas oo aanay jirin weli cid xaqiijisay qasaaraha.
AMISOM ayaa goor dhoweyd xaqiijisay weerarka lagu qaaday saldhiga ciidamada AMISOM ee Ceelcade, sida lagu sheegay barta ay ku leedahay twitter-ka.
WIXII SOO KORDHA LA SOCO…..
Goobjooge.com