Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Madaxweynaha oo degdeg ugu yeeray Ra’iisal wasaaraha & Shirkii Golaha Wasiirada ee caawa oo la joojiyay

Wararaanu goor dhow ka helnay madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxauud si degdeg ah ugu yeeray Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo lagu waday inuu guddoomiyo shir degdeg ah oo caawa golaha wasiirada ku ansixin lahaayeen safiiro cusub oo la magaaabayo.

Cumar C/rashiid ayaa ka tegay xafiiskiisa isagoo shir gaara la leh madaxweyne Xasan Sheekh, taasoo keentay in shirkii caawa ee golaha wasiirada la baajiyo, kadib markii ajendayaashii la qeybiyay, xubno ka mida golaha wasiiradana ay iska xaadiyeen xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu ka warhelay in Ra’iisal wasaaraha uu safiiro kale soo qortay oo aan ahayn kuwii ay isla ogaayeen, taasoo keentay in madaxweynaha uu daqiiqadii ugu dambeysay u yeero Cumar C/rashiid.

Shirka Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa ka socda xafiiska madaxweynaha xilligan, waxayna wararku sheegayaan inuu sidaas ku fashilmay qorshe lagu magacaabi lahaa safiiradii ugu badnaa oo hal mar miiska la soo saaro, waxaana muuqata in madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ay isku khilaafsan yihiin magacaabidda safiirada cusub.

Cumar C/rashiid ayaa lagu waday inuu beri ka dhoofo dalka isagoo filayay in isla caawa uu magacaabo safiirada cusub, inkastoo magacaabidda uu leeyahay madaxweynaha, golaha wasiiraduna ay leeyihiin soo jeedin.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON