Sunday, July 13, 2025

Ciidamada Booliska oo rag hubeysan ku toogtay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho

Ciidamada Booliska magaalada Muqdisho ayaa xalay Suuqa ugu weyn magaalada ee  Bakaaraha ku dilay labo qof oo la sheegay in ay ahaayeen Burcad Dadka dhici jiray, iyadoo sidoo kale qabtay Qof kale oo la socday.

Wararka ayaa sheegaya in Kooxdaan Dilka loo geystay ay wateen Mooto, kuna caan baxeen baarashada iyo dhaca dadka,waxaana toogtay ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo howlgal ka waday halkaasi.

Ma cadda qaabka loo dilay raggan iyo inay ku dhinteen rasaas la is weydaarsaday, waxaana dilkooda uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee dil toogasho ah oo maxkamad aanay xukumin laga fuliyo Muqdisho ayna ku kacaan ciidamada Booliska.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa howlgallada ciidamada Booliska iyo kuwa nabadsugidda  sii xoojiyeen magaalada Muqdisho, kadib qaraxyo iyo falal amandarro oo magaalada ka dhacay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON