Monday, June 23, 2025

9 Qof oo ku dhimatay Isbitaal Martiini & Digniin ka timid Wasaaradda Caafimaadka

War goor dhoweyd kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xalay ay 9 bukaan ku geeriyoodeen Isbitaalka Martiini.

Wasaaradda ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay dhammaan qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen 9-ka bukaan kuwaas oo xalay ku geeriyooday isbitaal Martiini, waxayna sheegtay inay soo kordhayaan bukaanada ay isbitaallada gaarka ah ee Muqdisho u gudbinayaan Isbitaalka Martiini.

“Waxaa soo kordhaya bukaannada uu soo riay cudurka Covid-19 ee isbitaallada gaarka loo leeyahay u soo gudbinayaan Isbitaalka Martiini, marka xaaladoodu gaarto heer aan waxba laga qaban karin, taasoo sababta in la badbaadin waayo bukaanno badan oo dhaqaatiirtu aaminsan yihiin in la badbaadin karay haddii xilli hore la soo gudbin lahaa, sidaas darteed dhammaan Isbitaallada waxa looga digayaa in bukaannada leh astaamaha safmarka Covid-19 ay ku hayaan isbitaallada” ayaa lagu yiri digniinta Wasaaradda Caafimaadka.

Ad

Wasaaradda ayaa mar danbe sheegtay in dadka geeriyooday aysan wada qabin cudurka Covid-19, midkoodna la xaqiijiyey inuusan qabin, halka 7 kale baaritaankoodu socdo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON