Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: 90 xildhibaan oo fagaare cod ugu qaaday kuna riday xukuumadda Cumar C/rashiid

Xildhibaanada la baxay BADBAADO QARAN oo si weyn uga soo horjeeda xukuumadda cusub ee dhowaan uu soo dhisay Cumar C/rashiid ayaa goor dhoweyd soo gabagabeeyay shir  ku lahayeen Hotelka Hayaat ee magaalada Muqdisho iyadoo meel fagaare ah cod ugu qaaday oo sheegay inay rideen xukuumadda soo dhisay Cumar C/rashiid.

Golah-badbaadada

Kulanka ay manta yeesheen xildhibaanada ayaa lagu taageeray hadalkii uu shalay shaaciyay guddoomiyahooda Cabdi Ibarahim Dhuxulow “Dhegdheer” oo ahaa inaysan cod siin doonin  xukuumada cusub. Waxaa codka xildhibaanadaasi ku hadlay  xildhibaan Abtidoon, Xildhibaan Sugule iyo xidhibaan Mustaf Guudow oo caddeeyay in 90 xildhibaan oo shirkii maanta isugu yimid ay ka horjeedaan xukuumadda cusub kuna tilmaameen inay tahay “MUSIIBO QARAN”.

Xildhibaan Abtidoon wuxuu sheegay in Cumar C/rashiid uga baxay balantii uu qaaday, isla markaana ku xadgudbay awood qeybsigii, isagoo wax aan la akhrisan karin ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray Cumar C/rashiid ee ah inuu u soo celiyay wasiiradii hore shaqo fiican oo ay qabteen. Wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay haddalo ka soo yeeray CCC oo uu yiri wuxuu joogay Mareykanka, wuxuuna dalka yimid iyadoo dagaal siyaasadeed ka dhacay oo la kala qeybsan yahay.

Waxay sheegeen inay maanta shirkooda si KMG ah u rideen xukuumada musiibo qaran ee CCC, marka Baarlamaanka la keenana ay gacanta bidix ku ridi doonaan “wixii xun gacanta midig looma taagayo ee bidix ayaan ku rideynaa” ayuu yiri mid ka mida xildhibaannada goobta ku sugnaa.

Shirar is daba joog ah oo looga tashanayo xukuumadda cusub ayaa ka socda hoteelada Muqdisho iyadoo mucaaradnimadii ugu weyneyd ee abid la arko ay hadda ku soo furantay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid iyo Golaha wasiirada uu soo dhisay.

 

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON