Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay inay dagaal culus oo ka dhacay gobolka Sh/Hoose ay ku dileen ilaa 39 askari.
Dagaalka ayaa ku bilowday qarax miino oo la kacay kolonyo ka tirsan AMISOM ayaa ka dhacay degaanka Golweyn oo dhow Buulomareer, waxaana dagaalku socday muddo saacado ah.
War kasoo baxay Taliska ciidanka Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in 39 Askari oo Jeneraallo Yugaandheys ah ay kamid yihiin lagu dilay dagaallo ka dhacay deegaanada Danoow iyo Golweyn.
Afhayeenka Al Shabaab ayaa warbaahinta taageerta u sheegay inay gacanta ku dhigeen 39 Meyd oo katirsan ciidamada AMISOM islamarkaana ay kamid yihiin Jeneraallo melleteri.
Afhayeenka AMISOM ayaan isagu faafhaahin ka bixin qasaaraha dagaalka maanta ka dhacay degaanka Golweyn, wuxuuna sheegay inuu xiriiro la sameynayo saraakiisha goobta ee AMISOM.
Alshabaab ayaa sii kordhisay weerarrada ay ka fulineyso gobolka Shabeelada Hoose xilli la hadal hayo in ciidamada AMISOM ka baxaan Soomaaliya.
Goobjooge