Kooxda Warfaafinta Alsahbaab ayaa baahisay muuqaal Video ah oo muujinaya dilka askari Kenyaati oo maxbuus ah ay u heystay.
Dilka askariga maxabuuska ahaa oo lagu beegay iyadoo maalmo yar ah ka harsan yihiin doorashada madaxtinimada dalka Kenya ayaa loogu talogalay inuu saameyn ku yeesho doorashada dalkaasi.
Muuqaalka toogashada askariga Kenyaatiga ahaa la raaciyay farriin uu dirayo dagaalame kooxda ka tirsan oo ku hadlaya luuqada Sawaaxiliga, waxaana cinwaan looga dhigay filimka oo soconaya 13 daqiiqo. “Xaqiiqda qaraar. Fariintii u dambeysay ee maxbuus lagu qabtay Ceel-Cadde oo uu dalkiisu dayacay”.
Maxbuuska la dilay ayaa farriin u diraya dowladiisa, kadibna waxaa dul imaanaya dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab dhowr xabadood uga dhufanaya.