Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar culus oo maleeshiyada Alshabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada AMISOM ee degaanka Buulomareer ee Gobolka Sh/hoose.
Weerarka oo ku bilowday qaraxyo waaweyn oo is-miidaamin ah ayaa markii danbe isu bedelay dagaal fool ka fool ah oo xoog leh, waxaana labada dhinac ay is weydaarsadeen hubka waaweyn iyo kuwa fudud, sida dadka degaanka ay soo weriyeen dagaalka ayaa ku dhowaad saddex saacadood socday.
Alshabaab ayaa sheegtay in weerarka Buulomareer ay ku dileen 59 askari oo ka socda dalka Uganda, waxayna shaacisay in Gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo is-miidaamin ah uu xerada galay, kadibna ay dagaalyahanno dhowr jiho ka galeen saldhigga.
Ma jiro weli war kasoo baxay dhinac AMISOM iyo ciidamada dowladda, waxaana warar kala duwan ay xaqiijinayaan in dagaalkaasi uu ka dhashay qasaare xoog leh.