Thursday, July 10, 2025

DEGDEG: Alshabaab weerar ku qaaday saldhiga ciidamada AMISOM ee Ceelbaraf

AMISOM ayaa goor dhoweyd shaacisay in maleeshiyada Alshabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga ciidamada  AMISOM ee degaanka Ceelbaraf, Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qoraal ay soo saaray AMISOM ayay ku sheegtay in madaafiic hoobiyeyaal ah ay Alshabaab ku soo rideen saldhiga ciidamada Burundi ee ka tirsan AMISOM.

Saddex madfac oo Alshabaab la beegsatay saldhigga AMISOM ee Ceelbaraf ayay sheegay inay gebi ahaanba seegeen bartilmaadeedkoodii, kadibna jawaab ay bixiyeen ciidamada AMISOM lagu kala eryay maleeshiyadii weerarka soo qaaday.

Alshabaab ayaa sii kordhisay weerarada ay ku qaadeyso saldhigyada ciidamada AMISOM xilligan ay dhaceyso Doorashada 2016.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON