Tuesday, June 24, 2025

DEGDEG: Alshabab oo weerar ku ah Ciidamadii Barre Hiiraale & AMISOM oo diyaarado u dirtay

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay amar ku siisay ciidamada taabacsanaa Barre Hiiraale ee ku sugnaa duleedka magaalada Kismaayo halka loo yaqaan Goobweyn siiba Sabca-Asharaf inay isu dhiibaan Alshabaab.

Alshabaab ayaa la sheega inay weerar xoog leh u diyaariyeen ciidamadaasi haddii ay isu dhiibi waayaan kuna biiri waayaan, taasoo keentay inay qeylo dhaan u dirsadaan maamulka Jubba iyo AMISOM, waxaana diyaaro dagaal la sheegay inay dhinaca  cirka ka difaacayaan ciidamadaasi, iyadoo dhinaca kale loo diray ciidamo ka soo daadgureeya halkaasi.

Xaaladad ayaa kacsan waxaana gurmadka loo sameynayo ciidamadii taabacsanaa Barre Hiiraale hormuud u ah madaxweyne ku xigeenka Jubba C/llaahi Fartaag.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON