War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Amiirka ay dhashay Boqorrada Ingiriiska ee dhaxal-sugaha ah Amiir Charles laga helay cudurka Coronavirus.
Amiirka Gobolka Wales Charles ayaa lagu arkay calaamado muujinaya cudurka, markii la baarayna waxaa la xaqiijiyey in laga helay cudurka Coronavirus, sida lagu shaaciyey war kasoo baxay Boqortooyada dalkaasi.
Prince Charles ayaa 71 sano jir ah, waxaana la sheegay in maalmihii ugu danbeeyay uu ka qeyb galay shirar badan, taasoo laga yaabo inuu ka qaaday cudurka. Xaaskiisa ayaa la sheegay inaysan qabin cudurka markii laga baaray.
Amiir Charles ayaa hadda lagu karaantiilay xarunta Balmoral Castle ee Scotland, iyadoo xaaladiisa lala tacaalayo. Amiirka ayaa ahaa boqorka mustaqbalka iyo dhaxal-sugaha Boqortooyada Ingriiska.