Friday, June 27, 2025

DEGDEG: AMISOM oo War yaab leh kasoo saartay weerarkii Alshabaab ku qaaday Koloniyadii Ciidamada Itoobiya

Howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM ayaa war yaab leh kasoo saaray weerarkii ay kooxda Alshabaab shalay ku qaaday kolonyo ciidamo  Itoobiyaan ah inta u dhaxeysa Buurhakaba iyo Baydhaba.

Qoraalka AMISOM ayaa lagu sheegay in Kolonyada AMISOM oo ka  timid Baydhaba kuna sii jeeday Buurhakaba ay la kulantay weerar uga yimid kooxda Alshabaab, kadibna ay ciidamdooda rasaas ku jawaabeen iyagoo dilay 4 ka mida maleeshiyada Alshabaab, isla markaana dhaawacay qaar kale.

AMISOM ayaa sheegtay in saddex ka mida ciidamada AMISOM lagu dhaawacmay weerarka, iyadoo ay waxyeello soo gaartay laba ka mida Gaadiidka ciidamada, waxaana qoraalka lagu soo gabagabeeyay in Amisom ay ka go’an tahay dagaalka looga horjeedo argagixisada Alshabaab.

Alshabaab ayaa sheegtay inay 57 meyd oo askar Itoobiyaan ah ay gacanta ku heyso, iyadoo dadka degaanka ay sheegeen in askarta Itoobiyaanka laga dilay ay ka badan 10 askari,

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON