Monday, July 14, 2025

DEGDEG: Aqalka hoose ee Golaha Shacabka oo ku dhaqaaqay muddo kordhin Hal dhinac ah & 2 sano

Aqalka hose ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhaqaaqay muddo kordhin loo sameeyo Hay’adhaa dowladda ee waqtigoogu dhammaaday.

Fadhigii maanta oo ku furmay Mooshin Doorasho ayaa dood kadib kusoo gabagaboobay goor dhoweyd in cod loo qaado, waxayna xildhibaanadu isku raaceen inuu fashilmay Heshiiskii 17-kii September ee Doorashada Federalka.

Waxay kaloo mudo kordhin ayay u sameeyeen Hay’addaha baarlamaanka & Madaxtooyada, iyadoo Guddiga Doorashada awood loo siiyey inuu muddo 2 sano ku qabto doorasho Qof iyo Cod ah.

149 Xildhibaan ayaa la sheegay inay codeysay go’aankan muddo kororsiga ah oo ah mid ku cusb taariikhda xilli dalku marayo kalaguur. waxaa diiday 3 xildhibaan, waxaana ka aamusay hal mudane sida uu ku dhawaaqay Maxamed Mursal Sheekh.

Baarlamaanka Federaalka ayaa ka kooban laba aqal, waxaana go’aan kasta oo Golaha Shacabka uu ansixiyo ay tahay in loo gudbiyo Aqalka Sare si u sharci u noqdo, iyadoo labada aqalba uu xilligoodii dhammaaday Disembar 2020.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON