War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ansixiyey xeerkii dalka looga mamnuucay shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka.
Xeerkan oo uu hore u soo meel mariyey Golaha Shacabka ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyay dood weyn ka dhex dhaliyey xildhibannada Aqalka Sare oo ugu danbeyn goor dhoweyd cod u qaaday ku ansixiyey xeerkaasi.
28 senator ayaa u codeeyay ansixinta xeerka dhowridda midnimada iyo Gobanimada Soomaaliya, ee dalka looga mamnuucay shirkadda DP World, halka ay diideen 6 senator, iyadoo 2 kale ay ka aamuseen.
Xildhibaannada Aqalka sare ayaa doodii ay yeesheen waxaa ka muuqday inaysan ku qanacsaneyn qaabka loo dhigay xeerka dalka looga mamnuucay shirkadda DP World, laakiin ugu danbeyntii ay ku raaceen Golaha Shacabka.