Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: Aqalka Sare oo Go’aan ka soo saaray Weerarkii ciidamo uu tababarray Imaaraadku ku qaadeen Guriga Cabdi Qeybdiid

Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa kulan ay yeeshaan maanta cod ugu qaaday kiiska weerarkii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ee Imaaraadku tababarray ku qaadeen Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).

Arrintan ayaa doodeeda ku bilaabatay iyadoo Cabdi C/qaybdiid hadal u jeedyay xildhibaanadda Aqalka Sare, isagoo u sheegay in macluumaadkii gurigiisa lagu weeraray ay ahaayeen kuwo khaldan oo ay bixisay hay’adda NISA, kadib markii ciidankii Imaaraadka ee weerarka gurigiisa fuliyay loo sheegay xog ku saabsan in guriga uu ku sugnaa ninkii ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Wuxuu Qeybdiid sheegay baaritaanka dhacdadii lagu weeraray gurigiisa aanan laga haynin natiijo sax ah, isaguna aany ku  qanacsaneyn Guddigii Dowladda uxil saartay arrintaasi. Guddoonka Aqalka Sare ayaa golaja hor keenay in loo codeeyo laba qodob oo kala ah:

1- In Guddi cusub oo ka kooban labada Gole ee Baarlamanka loo saaro arrinta weerarkii Guriga Cabdi Qeydiid

2- Iyo In loo yeero Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo wax laga weydiiyo kiiska.

Codkii la qaaday ayaa natiijadiisu noqotay in xildhibaannada Aqalka Sare ee shirka maanta ku sugnaa oo dhan 28 ay 23 ka mida u codeeyeen in Guddi loo saaro arrinta, halka 4 xubnood ay u codeeyeen in loo yeero Ra’iisal wasaaraha, halka hal senator uu ka aamusay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON