War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in askari Mareykan ah oo ka tirsan ciidamada gaarka ah lagu dilay howgal ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya.
Sida ay baahisay warbaahinta Mareykanka weerar qorsheysan ayaa ka dhacay meel 60 KM u jirta Galbeedka magaalada Muqdisho (Gobolka Shabeelada Hoose) waxaana weerarkan oo lagu dagaalamay qoryaha fudud la sheegay inuu askari uga dhintay ciidamada Mareykanka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Mareykanka laga dhaawacay laba askari oo kale. Wararka saaka soo baxay ayaa ku warramay weerar qorsheysan oo ciidamo ajnabi ah ku qaadeen xarun ay Alshabaab ku leeyihiin Gobolka Shabeelada Hoose.
Taliska Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa shaaciyay in arrintan jirto iyadoo falku ka dhacay Bariire, iyadoo ay ku dhex jireen howlgal caawinaad iyo la-talin ah oo siinayeen ciidamada Soomaaliya.
Alshabaab ayaa weli ka hadlin dhacdadan, iyadoo ay noqoneyso marki ugu horeysay ee askari Mareykan ah lagu dilo howgal ka dhacay Soomaaliya muddo dheer.
Goobjooge.com