Musharax Axmed Macalin Fiqi ayaa ku guuleystay inuu noqdo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka cusub ee federaalka.
Doorashadii koowaad ee maanta ka dhacday magaalada Cadaado oo ahaa kursigii 24-aad ee lagu doorto Cadaado ayaa waxaa ku loolamay labada musharax ee kala ah:
1. Axmed Macalin Fiqi Axmed
2. Iimaan Jaamac Yuusuf
Waxaana tartanka ka haray Ganacsade Axmed Ducaale Xaaf oo kursiga difaacan lahaa iyo Danjire Dhabancad oo aan la shaacin sababta ay uga hareen tartanka.
KursigaBeesha Sacad/Cabdalle waxaa ku guuleystay Axmed Macalin Fiqi Axmed oo helay 45 cod halka Iimaan Jaamac Yuusuf 3 cod.
Goobjooge.com