Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sidii la filayay aqlabiyad aan hore loo arag ku guuleystay inuu noqdo madaxweynaha Jubba mar labaad maamulka Jubba muddo 4 sanadood ah.
Codeyntii xildhibaanadii Jubba ayaa noqotay mid lagu doortay hal musharax oo si weyn loo filayay inuu ku soo baxo maadama ay dhibaatooyin badan ka jireen qaabka loo qabanqaabiyay iyo xaaladda ay ku dhacday doorashadani.
GOOBJOOGE.COM oo si toos ah u tebinaysay qoraal ahaan doorashada ka socotay Jubba ayaa xaqiijineysa inuu Axmed Madoobe helay codad dhan 68 cod, waxaa min laba cod kala helay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubba ayaa goor dhow ku dhawaaqay natiijada rasmiga ah isagoo sheegay inuu Axmed Islaam ku guuleystay jagada madaxweynaha Jubbaland.
Codadkii la dhiibtay waxaa loo kala helay :
MAXAMED CUSMAAN XAAJI FEYRUUS wuxuu helay 2 cod
HILOWLE MAXAMED AADAN wuxuu helay 2 cod
AXMED MAXAMED ISLAAM wuxuu helay 68 cod
LABA COD OO KHASAARTAY
Axmed Madoobe ayaa lagu soo dhoweeyay kursi loo diyaariyay waxaana la dhaarinayaa Axmed Madoobe.
[ad name=”HTML-1″]
[spacer color=”C20D00″ icon=”Select a Icon” style=”3″]
HOOS KA AKHRISO TEBINTII DOORASHADA EE GOOBJOOGE.COM
Doorashada madaxweynaha Jubba oo maanta ka dhaceysa magaalada Kismaayo ayaa hadda si toos ah loo bilaabay, wxaana hoolka doorashadu ka dhaceyso ku ururay xildhibaanada iyo marti sharafta kala duwan ee doorashada ka qeyb galaya.
11:05 = Waxaa shirka furay guddoomiyaha Baarlamaanka Jubba oo soo dhoweyn iyo mahadcelin kadib ka hadlaya qaabka howsha doorashada u dhici doonto maanta.
11:10 = Sheekh Cabdi wuxuu sheegay in 74 xildhibaan ay ku sugan yihiin madasha doorashada, iyadoo uu ka maqan yahay hal xildhibaan oo xanuunsan.
11: 15 = Xildhibaanada Baarlamaanka Jubba ayaa isku diyaarinaya inay galaan wareega koowaad ee doorashada, waxaana loo sharxay qaabka doorashada iyo sida loo codeynayo.
11:20 = Waxaa hadda bilaabtay codeynta madaxweynaha iyadoo xildhibaanada Baarlamaanka la yeerinayo, isla markaan ay codeynayaan.
11:30: Xarunta Ceymiska ee doorashadu ka dhaceyso magaalada Kismaayo waxaa ku sugan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Federaalka iyo xubno ka mida golaha wasiirada, waxaa kaloo jooga wakiilo ka socda beesha caalamka.
11:40 = Waxaa weli socda codeynta xildhibaanada Jubba oo qeybtii ugu danbeysay ay codkeeda dhiibaneyso… Waxaa lagu wadaa in wareega horeba lagu kala baxo oo aan loo baahan wareeg kale.
11:46 = Waxaa hadda soo idlaatay wareegii koowaad ee codeynta doorashada madaxweynaha Jubba, waxaaan guddoonka Baarlamaanka uu ku dhawaaqay in la gelayo tirinta codka xildhibaanada iyadoo musharax kasta uu wakiil u dirsanayo guddiga doorashada oo tirinta bilaabaya.
11:50 = Tirintii codadka xildhibaanada Jubba ayaa bilaabtay, waxaana muuqata in Axmed Madoobe codad badan heli doono sidii la filayay, 10-kii cod ee ugu horeeyayba Axmed Madoobe ayaa qaatay….
11:55 = Weli waa socota tirinta codadka Baarlamaanka Jubba, ilaa iyo hadda codadka la tiriyay waxaa uun lagu dhawaaqayaa : AXMED MAXAMED ISLAAN, iyadoo aanu jirin musharax kale oo weli cod helay, waxaa la marayaa ku dhowaad 20 cod. Xaaladu waxa ay noqotay mid aan xiiso lahayn iyo kaliya hal magac oo la yeerinayo.
11: 56= Waa sidii hore loo sheegay NIN DOORAN, MAXAA DOORTA LOO YIRI ayay taagan tahay lama hayo weli cod aan ahayn Axmed Madoobe.
11:57: Cusmaan iyo Hilowle ayaa min hal cod helay ilaa iminka.
11: 59: Hal cod ayaa lagu dhawaaqay inuu khaldamay, waxaana meesha marar dhacay buuq iyo guux
12:02: Cusmaan iyo Hilowle ayaa kala helay min hal cod oo kale, waxaana dhammaaday tirintii codadka
12:03 Waxaa muuqata 4 cod iyo cod khasaaray marka laga reebo in Axmed Madoobe ku guuleystay codad dhan 69 cod.
WAXAAN SUGNAA WAA TIRIN RASMI AH IYO KU DHAWAAQID GUUSHA AXMED MADOOBE: DOORANIHII LA DOORTAY
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]