Friday, April 19, 2024

Axmed Madoobe oo mar kale loo dhaariyay madaxweynenimada Jubba muddo 4 sano ah

Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo goor dhoweyd lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay jagada madaxweynaha maamulka Jubbaland muddo 4 sanadood ah ayaa loo dhaariyay xilka.

Axmed-dhaarasho

Doorasho sidii la filayay ku dhacday ayaa Axmed Madoobe wuxuu helay codad dhan 68 cod oo ah aqbaliyad aan weli ka dhicin doorasho lagu tartamo, waxaana xildhibaanada baarlamaanka Jubba ee muranku ka taagan yahay ay muujiyeen taageero aan hore loo arag oo siiyeen hogaamiyaha Jubba.

Ad

Axmed Madoobe ayaa xilligii dhaarinta gacantiisa bidix saaray Kitaabkii Qur’aanka ee lagu dhaarinayay, iyadoo ay caado hore  u ahaan jiray in gacanta midig la saaro kitaabka, arrintan oo dad badan su’aal ka keeneen.

Axmed Madoobe ayaa dhaarintiisii kadib sheegay in xil culus loo dhiibay, isla markaana uu balan qaadayo inuu si cadaalad ah ku hogaamiyo bulshada Jubbooyinka.

Goobjooge.com

- Advertisement -

[ad name=”HTML-1″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON