Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Axmed Madoobe oo xilkii ka qaaday guddoomiyaha Gobolka Gedo & jawaab culus

War hadda soo dhacay oo laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in hogaamiyaha maamulka KMG ah Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu  maanta sheegay inuu xilkii ka qaaday guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo ahaa guddoomiayaha Gobolka Gedo ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

kALIIL

Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu gudoomiyaha gobolka Gedo u magacaabay Axmed Buulle Maxamed oo  ah gudoomiyaha degmada Luuq oo ka mida guddoomiyeyaasha yar ee taabacsan maamulkiisa.

Arrintan iyadoo mar dhoweyd la shaaciyay heshiis ay gaareen siyaasiyiinta gobolka Gedo iyo maamulka Jubba. Waxaana muuqata in heshiiska iyo qodobadiisa ahaayeen kuwii ay la yimaadeen siyaasiyiinta Gedo ee uu ka mid yahay Maxamed Cabdi Kaliil arrinta oo dhamina ahayd fashil iyo guuldarro.

Maxamed Cabdi Kaliil oo muddo dheer xilka hayay isla markaana taageero badan ku leh gobolka Gedo ayaa sharci darro iyo wax lagu qoslo ku tilmaamay xil ka qaadista ka timid Axmed Madoobe.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON