Kulankii aan caadiga ahayn ee xildhibannada Baarlamaanka ayaa goor dhoweyd lagu ansixiyey miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019.
Waxaa golaha ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda xildhibaan Maxamuud C/llaahi Siraaji oo sheegay inay soo dhammeystireen Miisaaniyadda 2019-ka, ayna ka shaqeynayeen maalin iyo habeen, si ay u saxaan, wuxuuna codsadayn inay xildhibannada u codeeyaan.
Waxaa cod loo qaaday Miisaaniyadda 2019-ka, waxaana codkii noqday mid wada ogol ah, iyadoo 174 Xildhibaan oo kulanka Golaha Shacabka ee maanta joogtay ay dhammaantood gacanta u taageen. Ma jirin cid diiday ama ka aamustay.