Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Baarlamaanka Galmudug oo ansixiyay Golaha Wasiirada cusub ee C/kariin Guuleed

Wararka laga helayo  Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ee maamulka  Galmudug ayaa sheegay in kulan ay maanta  yeesheen Golaha Baarlmaanka Galmudug ay ku ansixiyeen Golaha Wasiirada  dhowaan uu soo dhisay Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.

ansixin

Golaha wakiilada  Galmudug ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Golaha Wasiirada oo ilaa hadda ka kooban 51 xubnood waxaana kulanka ansixinta uu ka danbeeyay kadib markii waanwaan dheer lagu xaliyay diidmo ay keeneen xubno ka mida Baarlamaanka Galmudug oo dhowaan si kulul uga soo horjeestay golaha wasiirada.

Madaxweynaha Galmudug oo qorshihiisa ka hor sheegay Baarlamaanka ayaa ka codsaday in la ansixiyo golihiisa wasiirada. Gudoomiyaha Baarlamaanka  Cali Gacal Casir ayaa sheegay kalsooni siinta ay noqoneyso gacan-taag,  kadibna waxaa natiijadii noqotay:

Tirada xildhibaanada soo xaadiray 69 oo ay ku jiraan saddexda xubnood  ee gudoonka Baarlamaanka.

Waxaa ogolaatay 66 cod

Mana jirin cid ka aamustay iyo ciida diiday, iyadoo aanay guddoonku codeyn.

 

Madaxweynaha Galmudug  C/kariin Guuleed ayaa u mahad celiyay xildhibaanada sidii ay u  ansixiyeen  Golaha wasiirada ee uu dhowaan soo magacaabay. Sidoo kale waxaa isla maanta la dhaariyay Wasiirada Galmudug si ay shaqadood u bilaabaan.

 

dhaarin

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON