Wararka laga helayo magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Baarlamaanka Galmudug uu isku raacay waqtiga la qabanayo doorashada madaxweynaha maamulkaasi.
Kulan ay xildhibaanada Galmudug maanta ku yeesheen magaalada Cadaado ayay isku raaceen in doorashada maaxweynaha maamulkaasi la qabto 10-ka April.
Arrintan ayaa hareer marsan dalabkii Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre u diray Maamulka Galmudug oo ahaa in doorashada dib loo dhigo muddo 45 maalmood ah.
Kadib is-casilaadii madaxweynihii Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo arrimo caafimaad xilka uga degay waxaa Baarlamaanku ku kala qeybsanaa arrimaha doorsahada madaxweynaha.
Xildhibaanadii mooshinka ka keenay Guddoomiye Cali Casir ayaa iyaguna ka laabtay mooshinkoodii markii waanwaan lagu xaliyay khilaafkii ka dhex jiray guddoomiyaha iyo qaar ka mida xildhibaanada.
Goobjooge.com