baarlamaanka Itoobiya ayaa fadhi uu yeeshay goor dhoweud wuxuu ku ansixiyay qaraar ay Golaha wasiirada dalkaasi hore ugu soo gudbiyeen, kaasoo ahaa in Liiska argagixisada laga saaro ururada hubeysan ee Mucaaradka ku ahaa dowladda ee loo aqoonsanaa Argagixisada.
Xildhibaannada Baarlamaanka Itoobiya ayaa si aqlabiyad leh u meel mariyay qaraarka Liiska Argagixisada looga saaro Ururada kala ah Ginbot 7, NLF iyo ONLF, waxayna tallaabadan ka dambeysay, markii ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed uu go’aankaasi geeyay Baarlamaanka.
Golaha Wasiirada Itoobiya isku raaceen in liiska argagixisada laga saaro ururadaas, iyadoo uu xowli ku socdo isbedellada Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo hore ugu dhaqaaqay inuu ka tanaasulay dhulkii ay isku heysteen Eteriya, siina daayey maxaabiistii siyaasadda u xirneyd dalkaasi.