Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd dalka ka mamnuucay inay ka howlgasho shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta.
Qaraar ku saabsan shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee DP World oo maanta looga dooday kulankii Baarlamaanka ayaa kadib cod loo qaaday waxaa si aqblabiyad ah Baarlamaanku isugu raacay in dalka laga mamnuucay shirkadda DP World oo aanay ka howlgeli karin.
170 xildhibaan oo maanta xaadir ahaa kulankii Baarlamaanka ayaa waxaa ogolaaday qaraarka dalka looga mamnuucay 168 xildhibaan, waxaana diiday hal xildhibaan, halka Mid kale uu ka aamusay.
Qaraarkan ayaa guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ku dhawaaqay iyadoo si sheegay in si degdeg ah loogu gudbinayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo si uu u saxiixo.
Wararka ayaa sheegaya in Qaraarkan loo gudbinayo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka kaasoo isna ka doodi doona inta aan loo gudbin madaxweynaha Soomaaliya.