Waxa magaalada Cadaado goor dhow ka bilowday banaanbax looga horjeedo heshiiska Ahlu suna iyo Galmudug ee maanta lagu soo bandhigayo magaalada Dhuusamareeb.
Dadweynaha magaalada qaarkood ayaa isugu soo baxay wadooyinka iyagoo ka horjeeda heshiiska iyo sida beesha Cadaado loo duudsiiyeya xaq ay sheegeen inay lahayd, laguna tuntay dastuurka maamulka Galmudug.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in gebi ahaan ay fashilmeen dadaalkii loogu jiray in lagu qnaciyo beesha rere Xaaji Saleebaan oo arrimaha ugu weyn ee ay ku diidan tahay heshiiska uu ka mid yahay maqaamka caasimadda iyo awood qeybsiga beelaha oo lagu takri falay.