Waxaa dhammaaday tirinta Codadka wareegii koowaad ee doorashada Madaxweynaha maamulka K/Galbeed, iyadoo uu si weyn ugu horeeyo musharaxa C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.
Doorashada waxaa ku loolamay shan musharax, iyadoo uu wareegga koowaad uu ku guuleysan doono musharixii hela codad dhan 2/3 [Saddex meelood laba codadka xildhibaannada K/Galbeed oo dhan 149 xildhibaan oo ka dhigan].
Musharixiinta waxay kala ahaayeen: C/casiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen, Aadan Mohamed Nuur (Saransoor), Xuseen Cismaan Xuseen, Ibraahim Macalin Nuurow, Sayid Axmed Sheikh Daahir.
Guddiga Doorashada ayaa ku dhawaaqay inuu C/CASIIS XASAN MAXAMED LAFTA-GAREEN helay codad dhan 101 cod, isla markaana uu ku guuleystay xilka madaxweynaha maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya, halka musharixii ugu dhowa ee Aadan Saransoor uu helay 22 Cod.