Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: C/weli Muudey oo Farriimo u kala diray Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ay heleen farriimo ku saabsan shir loogu baaqayo inay kasoo qeyb galaan.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya C/weli Ibraahim Muudey ayaa dhammaan xildhibaannada u kala diray farriimo loogu sheegay in kasoo qeyb galaan fadhiga Baarlamaanka oo Berri ka dhacaya Xarunta Baarlamaanka.

Fadhiga Berri ayaa ajendihiisu yahay Mooshinka Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo la filayo in cod loogu qaado, waxaana cad in kulankii baaqday Sabtidii uu hadda dhici doono Arbacadda.

Baarlamaanka ayaa u kala qeybsan laba garab iyadoo aan la ogeyn sida kulankaasi ku dhici doono iyo qaabka xilka looga qaadi doono guddoomiye Jawaari.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON