Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: Cali C/llaahi Cosoble oo ku guuleystay xilka Madaxweynaha Hirshabeelle

Cali C/llaahi Cosoble ayaa ku guuleystay doorashada madaxweynaha maamulka cusub ee Hirshabeelle oo hadda uun soo dhammaatay.

Tartanka oo ay isugu soo hareen labada musharax ee Cali C/llaahi Cosoble iyo Maxamed Cabdi Waare, kadib markii uu ka baxay musharixii saddexaad ee Cali Maxamed Carraale ayaa si weyn loogu loolamay, waxayna natiijadii ay noqotay sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre:

Cali C/llaahi Cosobe: 61 cod

Maxamed Cabdi Waare: 36 cod

Hal cod ayaa xumaaday, iyadoo xildhibaanada codeysay ayaa gaarayeen 98 xildhibaan, isla markaana uu baarlamaanka Hirshabeelle ka kooban yahay 117 xildhibaan.

Musharaxa laga guuleystay Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inuu la shaqeyn doono madaxweynaha la doortay, isagoo amaan u jeediyay Baarlamaanka Hirshabeelle.

Cali C/llaahi Cosoble oo ahaa musharax uu taageerayo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haddana noqonaya madaxweynaha maamulka cusub ee gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Wuxuu hore u soo noqday wasiirka ka tirsan xukuumadii KMG ahayd ee Cali Maxamed Geedi.

Arrimaha ugu horeeya Cali C/llaahi Cosoble maamulka uu hogaaminayo horyaala  waxaa ka mida dhibaatada gobolka Hiiraan iyo diidmada Ugaas Xasan Ugaas Khaliif  oo ka horjeeda  maamulkan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON