War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Daalibaan inay qabsadeen xarunta Madaxtooyada magaalada Kaabul ee caasiladda Afghanistan.
Afhayeenka Daalibaan ayaa goor dhoweyd xaqiijiyey inay gudaha galeen Xarunta Madaxtooyada magaalada Kaabul, arrintan oo ka danbeysay kadib markii uu dalka isaga tegay madaxweynihii dalkaasi Ashraf Ghani.
Saacado ka hor ayaa madaxda Daalibaan ay ciidamda ku amreen inay qabtaan magaalada Kaabul, kadib markii ciidamadii iyo Booliskii dalkaasi ay iska dhigeen dareyska ciidamada ayna shacabka ku biireen, cabsi ay ka qabaan in Daalibaan ay tallaabo ka qaado.
Xaaladda ayaa kacsan, iyadoo guud ahaan dalkaasi u gacan galay xarakada Daalibaan oo muddo 20 sano ah la dagaalameysay ciidamada Mareykanka hoggaaminayo iyo ciidamada dowladda ay ka dhiseen dalkaasi ee sida degdegga ah burburtay.
Wararkii ugu danbeeyay ee Kaabul ayaa sheegaya Rasaas goosgoos ah ayaa laga maqlayo, waxayna wadaan ciidamada Daalibaan isku ballaarinta caasimadda iyo qabashada Wasaaradaha waaweyn iyo xarumaha Ciidamada.
