Friday, June 27, 2025

DEGDEG: Ciidamada dowladda oo weerar rogaal celis ah ku qaaday Afgooye & Alshabab oo ka baxay

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federaalka ay weerar rogaal celis ah goor dhoweyd ku qaadeen degmada Afgooye.

Ciidamadan oo isku urursaday agagaarka degmada markii ay galabta maleeshiyada Alshabaab qabsadeen Afgooye ayaa gurmad ka helay ciidamada milateriga ee Muqdisho, iyagoo isku urursaday Baar ismaaciil intii aanay caawa weerarka rogaal celinta ah qaadin.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay goor dhoweyd ay ciidamadii ugu horeeyay gaareen afka hore ee magaalada Afgooye ayna gudaha u galeen qeyb ka mida magaalada.

Xaaladda magaalada ayaa hadda ah mid weli kacsan markii ay ka baxeen maleeshiyada Alshabaab oo dib ugu laabtey saldhigyadooda duleedka Afgooye. Alshabaab ayaa qaatay gaadiid dagaal iyo hub, isla markaana ay gubeen saldhigii degmada iyo gaadiid.

Rasaas teelteel ah ayaa laga maqlayaa daafaha magaalada gaar agaan xaafadda Buulo Foolyo oo Alshabaabku ay dhigteen maleeshiyo raacdo-reeb ah, waxaana xaaladda ay hadda u muuqataa in ciidamada dowladda ay dib ugu laabteen.

Qasaaraha dagaalka ayaa soo baxaya, waxaana la sheegay inay ilaa 10 qof ay ku dhinteen dagaalkii maanta, dadka dhintay waxaa ka mida askarta dowladda iyo dad shacab ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON