Ciidamada Amniga Garoonka Diyaaraaha Muqdisho ayaa la sheegay inay qabteen lacag tiro badan oo dalka lasoo gelinayey.
Warbaahinta Dowladda ayaa kasoo xigtay taliyaha cidamada Booliska Gen Cabdi Xasan Xijaar in Ciidanka Saldhiga Booliska Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ay maanta Gacanta ku dhigeen lacag tiro badan oo sharci darro ku soo gashay dalka.
Lacagtan ayaa la socotay diyaarad ka timi dalka Kenya. waxaana la sheegay in Baaritaan dheeri ah ayaa lagu hayo xilligan.
Faahfaahin lagama bixin cadadka lacagt iyo cidda lahayd, waxayna wararka qaar sheegayaan inuu qof qof ganacsade ah oo aanay ahayn lacag aad u badan; iyadoo laga cabsi qabo arrimo siyaasadeed loo faafinayo warkan.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA…
