Tuesday, June 24, 2025

DEGDEG: Ciidamada Itoobiya oo si qorsheysan u afduubatay weriye ka tirsan Telefishanka Horncable

Ciidamada Itoobiya ee Liyuu Police ayaa si qorsheysan weriyeyaal uga afduubtay Somaliland kadib markii loogu yeeray xaflad caleemo saaro oday dhaqameed ah magaalada xuduudka ku taala ee Wajaale kadibna ciidamo Liyuu Police ah ay kaxeysteen weriyeyaasha.

Falkan ayaa dhacay shalay iyadoo 5 weriye oo ka socday telefishanada Soomaalida ee ka howlgala Somaliland loogu yeeray arrintaasi iyadoo markii danbe ay ciidamada afduubteen kadibna la geeyay xalay magaalada Jigjiga.

4 weriye ayaa saaka la sii daayay, waxaana ay Itoobiyaanku la hareen weriye u shaqeeya telefishanka Horn Cable oo lagu magacaabo Mukhtaar Nuur, oo la sheegay inaan la ogeyn meel uu ku sugan yahay  iyo sababta loo qafaashay.

Guddoomiyaha ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA MAxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa sheegay in dawladda Itoobiya ay sidoo kale hawada ka saartay telefiishanka HCTV. Wuxuuna ugu yeeray Somaliland inay arrintaasi soo farageliso.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON